Dhismaha mashruuca Buundada Baandheer ee Gobolka Liibaan oo mareysa Gabogabo ah

0
109

Baledweyne ( Radio Beerlula )- Waxaa heer gabo-gabo maraya dhismaha mashruuca buundada Baandheer, taas oo laga dul dhisayo wabiga Ganaale, islamarkaana isku xiri doonta gobollada Liibaan iyo Afdheer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Buundadan oo ka mid ah mashaariicda muhiimka ah ee horumarineed ayaa wax weyn ka tari doonta isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga u dhexeeya labada gobol, iyadoo sidoo kale sahli doonta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo ganacsiga gudaha.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sahra Ibraahim Dhicisoow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here