Baladweyne ( Radio Beerlula )-Ciidamo caalami ah oo gaaraya 200 oo askari oo ay kormeerayaan militariga Mareykanka ayaa dusha kala socon doona xabad joojinta Gaza, sida uu sheegay sarkaal sare oo Mareykan ah.
Ciidamadan ayey u badan tahay inay ku jiri doonaan kuwo ka socda Masar, Qatar, Turkiga iyo Imaaraadka. Sarkaalku wuxuu sheegay in doorkoodu uu noqon doono “kormeerka, muraaqabaynta iyo hubinta inaysan jirin xadgudubyo ama faragelin” xabbad-joojinta Qaza.
Sarkaal sare oo labaad oo Mareykan ah ayaa sheegay in aysan jiri doonin ciidamo Mareykan ah oo ku sugnaan doona Qaza, isaga oo intaa ku daray in doorka Mareykanka uu yahay in la abuuro Xarunta koontaroolka wadajirka ah oo “isku xiri doonta” ciidamada caalamiga ah ee galaya.
Ciidankan ayaa waxaa hogaaminaya Adm. Brad Cooper, oo ah madaxa taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM). Cooper wuxuu ku biiray wafdiga Mareykanka ee qaybta ka ah wadahadallada Masar, ayuu yiri sarkaalkii ugu horreeyay.
Sarkaalkan ayaa sheegay in ciidamada caalamiga ah ay ku wargelin doonaan Israa’iil iyo Xamaas labadaba iyaga oo sii maraya Masar iyo Qatar.


