Barca Oo Ku Dhibtoonaysa Inay Bixiso Lacag Malaayiin Oo Deyn Ah!

0
128

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dhibaatooyinka dhaqaale ee kooxda Barcelona ayaa weli muuqda, maadaama warbixinteedii maaliyadeed ee ugu dambeysay – sida uu qoray Diario AS – ay muujisay in kooxda weli lagu leeyahay €159 milyan oo ah lacagaha saxiixyada ciyaartoy ay samaysay in ka badan saddex sano ka hor.

Lacagaha ugu waaweyn ee la bixiyay laakiin aan weli la dhammeystirin waxaa ka mid ah:

€41.9m oo ay ku leedahay kooxda Leeds United oo la xiriirta Raphinha,

€20m oo ay Bayern Munich weli ka sugayso oo ah saxiixii Robert Lewandowski,

€24.5m oo ay ku leedahay Sevilla oo la xiriirta Jules Kounde.

Sidoo kale, Manchester City ayaa weli ka sugaysa €13.3m oo ku saabsan Ferran Torres, halka Real Betis ay heli doonto €6m oo ku saabsan Emerson Royal. Waxaa intaas dheer deymo yaryar oo ay ku leeyihiin kooxo ay ka mid yihiin Rennes, Girona, Valencia iyo Sporting CP.

Wadar ahaan, €140.6m oo ka mid ah deynta ayaa ah mid gaaban (hal sano gudahood la bixinayo), halka €18.5m ay tahay mid dheer oo muddo ka badan hal sano ah.

Dhanka kale, Barcelona iyaduna waxaa deyn looga qaatay lacag dhan €64.1m, oo ay ka mid yihiin:

FC Porto (€6.7m) oo ku saabsan Nico González,

Al Ahli (€4.1m) oo ku saabsan Franck Kessié,

Shakhtar Donetsk (€3.1m) oo ku saabsan Marlon.

Inkasta oo xaaladda maaliyadeed ee Barcelona weli ay adag tahay, haddana kooxda reer Catalonia ayaa sheegtay kalsooni buuxda inay ku qabto dib-u-soo-kabashada dhaqaale, iyadoo filaysa in dakhligeedu uu dhaafo €1 bilyan xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here