
Baledweyne ( Radio Beerlula )- Madaxweynaha Madagascar, Andry Rajoelina, ayaa lagu soo waramayaa in uu dalka isaga tagay ka dib markii uu sii kordhay cadaadiska lagu saarayo in uu xilka ka dago ayadoo ay sii kordheen mudaaharaadyadii ay dhallinyaradu wadeen dabayaaqadii todobaadkii hore.
Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warameysa in hogaamiyahaasi Axadii shalay ahayd laga dhoofiyay dalka Madagaskar isagoo sii raacay diyaarad ay leeyihiin ciidamada Faransiiska.
In kasta oo ay sheegeen in kaxayntiisa uu ogolaaday madaxweyne Emmanuel Macron, misna mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa sheegay in aysan faragelinin dhibaatada gudaha ee Madagascar.
Xubnaha mucaaradka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay billaabi doonaan dacwad xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Mr Rajoelina.

