Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka maamulka Somaliland, Dr. Xuseen Bashiir Xirsi, ayaa qalab caafimaad ku wareejiyey 34 xarumo caafimaad oo ku kala yaalla magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Burco, Oodweyne iyo Baligubadle.
Qalabkan, oo ay ka mid yihiin kombuyuutarro, Birintarro iyo agab kale oo casri ah, ayaa loogu talagalay in lagu kordhiyo tayada xog ururinta caafimaadka iyo in la tayeeyo xafiisyada kaydinta xogta caafimaadka.
waxa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.


