Hooyo ku xanuunsan Baladweyne oo codsatay lasoo caawiyo

0
124

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Hooyo Sahro Maxamed Cumar oo ku nool magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa muddo sideed sano la xanuunsaneysay cuduro halis ah kaddib markii ilmo caloosheeda ku dhinteen iyadoo Tan iyo waqtigaas, xaaladdeeda caafimaad ayaa si xowli ah u sii daciiftay islamarkaana haatan la ildaran barar jirka oo dhan taasi oo sababtay in ay noqoto dhul yaal aan socon karin.

Hooyo Sahro waa haweeney danyar ah oo korisa lix carruur oo agoon ah, kuwaas oo iyada ku tiirsan dhammaan noloshooda sida cuntada, xirashada iyo waxbarasho.

waxa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here