Pep Guardiola Oo Shaaciyay Xilliga Uu Shaqada Tababarenimada Iskaga Fadhiisanayo

0
151

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa sheegay inuusan qorsheyneyn inuu ka nasto tababarenimada ilaa sanadka 2035, isagoo si qosol leh uga jawaabay hadal kasoo baxay saaxiibkiisii hore ee kooxda, Carles Planchart, kaasoo ku taliyay in Guardiola uu Etihad ka tago si uu “dib u cusboonaysiiyo falsafaddiisa.”

Guardiola ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu qabtay Jimcihii, isagoo xusay in weli uu dareemayo tamar iyo xiise uu ku hoggaamiyo kooxda iyadoo isbeddel weyn uu ku socdo safka ciyaartoyda.

“Wuu saxan yahay, balse sanadka 2035 ayaan bilaabi doonnaa inaan ka fikiro arrintaas,” ayuu Pep yiri isagoo qosol ku daray.

Guardiola ayaa sii raaciyay:“Wax walba way is beddeleen sanadihii ugu dambeeyay, laakiin weli waxaan haystaa tamar iyo dhiirrigelin ay shaqaalaha iyo ciyaartoyda cusub i siiyaan.

Waxaan dareemayay Barcelona, Munich iyo hadda Manchester in haddii aan  ku dhibtoodo aan isbixin lahaa.

Hadda weli waxaan dareemayaa tamar aan ku caawin karo ciyaartoyda si ay xilli ciyaareedkan uga fiicnaadaan kii hore. Taasi waa yoolkayga.

Ma fadhiisanayo bisha November anigoo leh ‘waan guuleysan doonaa.’ Ma garanayo waxa dhici doona marka aan wajahno Everton, laakiin kahor fasaxii caalamiga, waxaan ka fogeen hogaanka, haddana waan soo dhowaanay.”

Guardiola, oo City la qaaday afar Premier League oo xiriir ah, ayaa sheegay inuu doonayo in kooxdiisu sii ahaato mid gaarta heer cusub xilli ciyaareed kasta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here