Baledweyne ( Radio Beerlula )-Gubernatoorayaasha Jamhuuriga ee dhowr gobol oo kamid ah Maraykanka ayaa ciidamada ilaalada qaranka heeggan galiyay, iyaga oo u diyaar garoobaya mudaharaadyo ballaaran oo dalkaasi ka dhaca, gaar ahaan looga soo horjeedo Donald Trump iyo siyaasaddiisa.
Qaban qaabiyayaasha banaabaxyada loogu magac daray ‘’Maya Boqortooyooyin’’ ayaa sheegay in isu soo baxyada ay ka dhici doonaan in ka badan 2,500 oo goobood oo ku kala yaala daafaha Maraykanka.
Bahwadaagta Trump ayaa ku eedeeyay mudaharadayaasha inay xullufo la yihiin dhaqdhaqaaqayaasha bidixda fog ee Antifa.
Guddoomiyayaasha Texas iyo Virginia ayaa howlgaliyay ciidamada Ilaalada Qaran, si kastaba ha ahaatee ma cadda sida ay noqon doonto heerka muuqashada ciidamada Milatariga.
Qaban qaabiyayaasha ayaa sheegay mudaharaadkii u dambeeyay ee ‘No Kings’ la qabtay bishii Juun, iyada oo in ka badan 5 milyan oo qof ay ka qayb qaateen, iyaga oo ka hor yimid qorshaha siyaasada Trump.


