Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Puntland ayaa magaalad Garoowe ku qabatay Shirka Ololaha Ansixinta Xeerka Joojinta Gudniinka Gabdhaha,
Waxaa shirka ka qayb galay masuuliyiin ka tirsanmaamulkaasi, culimo, bulshada rayidka, iyo hay’adaha kala shaqeeya Wasaaradda arrimaha xuquuqda Haweenka iyo Carruurta iyadoo Intii uu socdo shirka lagu falanqayn doonaa doorka bulshada, culimada iyo hay’adaha sharci dejinta ee hirgelinta iyo ansixinta xeerkan muhiimka ah.
Warkan waxaa inoo haya Cabdiqaadir Cumar Ibraahin


