Baladweyne ( Radio Beerlula )-Shaqaalaha Agaasinka Guud ee Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ololaha Nadaafadda ka sameyay wadada dheer ee isku xirta isgooyska siidka iyo kan holwadaag ee magaalada Muqdisho.
Shaqaalaha oo ay la socdaan madaxdooda ayaa tagay waddada Isgoysyada Sayidka ee degmada Howlwadaag, halkaasoo ay ka qaadeen qashin fara badan waxana ay qeyb ka tahay bilic soo celinta caasimada.
Warkan waxaa inoo haya Xaawo Aadan Xuseen.


