Baladweyne ( Radio Beerlula )-Dufaanta weli isha ayaa lagu hayaa gaabis ayayna ku socotaa keliya 2mph ama 3.2 kilomitir saacadii…waxayna ku wahajantahay dhanka waqooyi-bari dalkaas.
Saadaasha ayaa ah ama waxaa la aaminsan yahay in duufaantu ay noqon karto duufaantii ugu xooganayd ee abid ku dhufata Jamaica, iyadoo sida dabeylo xawaarihiisu gaarayaan 175mph ama jari karta (282km/saacadiiba.)
Dufaanta waxaa laga yaabaa inay noqoto tii ugu xogganayd ee jasiiradda – iyada oo khubarrada saadaasha hawada ee Mareykanka ay ka digayaan “masiibo iyo xaalado nololeed”.
Duufaanta Melissa waa duufaanta qaybta shanaad – marka la eego duufaannada ugu xoogga badan.
Gelinka dambe ee talaada da maanta ah ayaa la filayaa inay ku dhufato dalka Jamaica, taas oo dad badan ay aad ugu baqayaan.
Khubarrada ayaa ka digaya in gaabiska ay Melissa ku socoto laga yaabo in meelaha qaar ay ka geysato roobab mahiigaan ah oo daba dheeraaday meelaha qaar, taas oo kordhinaysa khatarta fatahaadaha iyo burburka.


