Baladweyne ( Radio Beerlula )-Guddoomiye Ku-xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Axmed Faarax Taqal, iyo dhammaan shaqaalaha Xiriirka ayaa si wadajir ah u qabtay howl nadaafadeed oo lagu nadiifinayay xarunta Xiriirka Kubadda Cagta iyo sidoo kale garoonka Injineer Yariisow (Ex-Banadir Stadium).
Howshan nadaafadeed ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu hagaajinayo deegaanka shaqada iyo goobaha lagu qabto howlaha ciyaaraha.
Warbixintaan waxaa soojeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.


