Baladweyne ( Radio Beerlula )-
Waxaa soo baxaya isku dhacyo hor leh oo dhex maray booliska iyo dibad baxayaasha caasimada ganacsiga Tanzania ee Dar es Salaam. Booliska ayaa adeegsanaya gaaska indhaha ka ilmaysiiya iyo rasaas nool si ay u kala eryaan dadka mar kale isku soo baxay, maalin uun ka dib rabshadihii waaweynaa ee ka dhacay magaaladaasi iyo magaalooyinka kale ee Tanzania maalinkii cod bixinta.
Ururka Amnest International ayaa sheegay in hal askari iyo hal qof oo rayid ah ay ku dhinteen mudaharaadyada oo lagu dalbanayay isbeddel doorasho iyo xoriyad siyaasadeed oo ballaaran.
Madaxweyne Samia Suluhu Xasan ayaa si weyn loogu saadaalinayaa in ay ku guulaysan doonto muddo xileedkeeda labaad, maadaama musharaxiinta mucaaradka laga hor istaagay inay tartamaan.
Xaaladda weli waa kacsan tahay in kasta oo xeerkii bandowga habeenkii la dhaqan galiyay Arbacadii si loo dejiyo rabshadaha.


