Madaxweynaha Lubnaan oo amar siiyay ciidamada inay iska difaacaan Israa’iil

0
129

Baledweyne ( Radio Beerlula )-Madaxweynaha Lubnaan oo amar siiyay ciidamada inay iska difaacaan Israa’iil
Madaxweynaha Lubnaan Joseph Aoun ayaa amray ciidanka qalabka sida inay iska difaacaan haddii Israa’iil ay samayso duullaan cusub ay ku soo qaado Koonfurta dalkaasi.

Hadalka madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii warbaahinta dowladda Lubnaan ay sheegtay in ciidankaIsraa’iil ay galeen magaalada xadka ku taala ee Blida, ayna rasaas ku fureen xarunta degmada iyaga oo halkaasi ku dilay shaqaale dowlada hoose.

Dad deegaanka ayaa sheegay ciidamada Israa’iil ay sidoo kale qarxiyeen dhismo diimeed ku yaala tuulo u dhow aaggaasi.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in xarunta degmada ay adeegsanayeen Xisbullaah, balse ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here