Real Madrid oo saddexda dhibcood ka qaadatay kooxda Osasuna oo ku soo booqatay garoonka Alfredo Di Stefano

0
266

Baladweyne (Radio Beerlula)-Real Madrid ayaa saddexda dhibcood ka qaadatay kooxda Osasuna oo ku soo booqatay garoonka Alfredo Di Stefano, kaddib markii ay kaga adkaatay 2-0, kulan qeyb ka ahaa horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Qeybta hore ee ciyarta ayeey labada kooxood Real Madrid iyo Osasuna ku kala nasteen bar-bardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 76-aad kooxda Real Madrid ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay dheesha Eder Militao, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Isco.

80 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Casemiro oo caawin ka helay saaxiibkiis Karim Benzema ayaa wuxuu ciyaarta ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Real Madrid.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay kaga adkaatay Real Madrid kooxda Osasuna oo ku soo booqatay garoonka Alfredo Di Stefano, Los Blancos ayaa haatan fadhisa booska labaad ee jadwalka kala sareynta horyaalka La Liga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here