Baladweyne (Radio Beerlula)-Markii Shahzeb uu gaaray da’da wax barashada, nasiib darro waxa uu ahaa mid ku nool nolol dib jirnimo ah wuxuuna ku ag wareegi jiray meel goob la siyaarto ah oo ku taal magaalada Peranclear ee gobolka Uttarakhand ee dalka Hindiya.
Balse waqtiga ayaa kasoo gubdbay waxaana ifay nasiib iyo ayaan, sidaasna Shahzeb kii il darnaa ee cundatada dadka ay keenaan goobta la siyaarto ku noolaa ayaa noqday mid dhaxla malaayiin lacag ah.
Shazeb markuu siddeed jir ahaa, noloshiisu way wacnayd. jacayll iyo kalgacal baa ka buuxay. Wuxuu kula noolaa waalidkiisa tuulada Pandoli ee degmada Saharanpur ee gobolka UttarPradesh.
Sannadkii 2019-kii, Shahzeb hooyadiis Imrana Begum ayey isku dhaceen ninkeeda Mohammad Naveed, ka dibna waxay kaxaysatay wiilkeeda Shahzeb iyadoo u guurtay guriga waalidkeed oo ku yaal magaalada Yamuna Nagar, oo ka tirsan gobolka Haryana.
Si uu noloshiisa u maareeyo, Shazeb wuxuu shaqa weelal dhaqis ah ka bilaabay, makhaayad shaah oo aagga ka ag dhaweyd. Mararka qaar wuxuu dadka siin jiray shaaha iyadoo macmiisha qaar ay si arxan darro ah ula dhaqmi jireen.
Wuxuu maalinkii qaadan jiray lacag dhan 150 Rubi oo 30 Rubi oo ka mid ah uu iskaga bixin jiray kirada goobta uu seexdo.
Shazeb ayaa mararka qaar dhigan jiray xoogaa lacag ah isagoo u dhiiban jiray mid ka mid ah dadka ka shaqeynayey goobtan la siyaarto. Shazeb ayaa sheegay in 600 oo Rubi ay weli u taal meeshii u uku kaydsan jiray lacacgta.
Isaga oo marki danbe yeeshay hanti badan oo ay kujiraan guryo dhul iyo shirakado