Xisbiga Jamhuuriga oo ku kala qeeybsan cida noqoneyso afhayeenka aqalka congresska ee Maraykanka.

0
151

Baladweyne(Radio Beerlula)-Mudanayaasha xisbiga Jamhuuriga ee kala qaybsan ayaa maalintii saddexaad oo xidhiidh ah waxay ku guul daraysteen inay isku raacaan hal musharax oo noqonaya afhayeenka aqalka congresska ee Maraykanka.
Maalinimadii Khamiista, waxaa la codeeyey markii 11aad, iyada oo musharaxa xisbiga Jamhuurigu Kevin McCarthy uu ku guuldaraystay inuu helo 218 cod oo uu ku noqon karo afhayeenka golaha, ka dib markii ay ka soo horjeesteen illaa 20 mudane oo ka mida xisbigiisa.
Codaynta ugu dambaysay ee 11aad ayaa waxaa hoggaaminayey musharaxa xisbiga Dimoqraadiga oo helay 212 cod, halka musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee Kevin McCarthy uu helay 200 oo cod.
Madaxweynihii hore ee Donald Trump ayaa isagu helay hal cod oo keliya, ka dib markii uu soo jeediyey mudane ka tirsan aqalka Congressku, in Trump laftiisa loo doorto Afhayeenka Golaha.
Sharciga ayaa ogol inuu xilka afhayeenka golaha u tartami karo qof ka baxsan xubnaha golaha.