Maxaabiis U Dhashay Dalka Ukraine oo la sii daayey.

0
109

Baladweyne (Radio Beerlula)-50 Maxbuus oo u dhashay dalka Ukraine ayaa dib ugu laabtay dalkooda Hooyo, kuwaasi oo ay Milliteriga Raashiya horey u qabteen

Andriy Yermak oo ah Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Maxaabiista soo guryo noqday ay kala yihiin 33 Sarkaal iyo 17 Askari

Qoraal uu soo dhigay Barta Telgram ayuu ku sheegay in lagu guuleystay Maxaabiis Isdhaafsi kale, iyadoo 50 maxbuus ee la soo daayey ay ka kala tirsan yihiin Ciiddanka Cirka, Ciddanka Ilaalada Qaranka, Ciiddanka difaaca Xuduudaha, Ciiddanka Badda iyo kuwa Hawlgallada Khaaska ee Ciiddanka Ukraine