Maxaabiis baxsatay kadib markii askartii ilaalineysay basbas indha uga shubeen.

0
182

Baladweyne (Radio Beerlula)-Laba maxbuus oo caan ah ayaa baxsaday ka dib markii ay indhaha uga rusheeyeen budo basbaas ah askartii dib ugu celinaysay xabsiga. Dhacdan ayaa ka dhacday magaalada Alaba ee koonfurta-galbeed ee Itoobiya, sida ay booliisku sheegeen.

Waxay ahaayeen laba ka mid ah afar qof oo qorsheeyay in xabsiga kabaxsadaan “Afar ka mid ah maxaabiista baxsatay, mid waa la dilay, mid kalena waa dhaawacmay, labana weli waa la baadi goobayaa,” ayuu BBC-da u sheegay taliye ku xigeenka booliiska maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Itoobiya Taaju Negash.
Ma cadda halka ay maxaabiistu ka keeneen basbaaska.

Maxbuuska la dilay ayaa wajahaya dacwad kale oo ah inuu bam gacmeed ku tuuray askar ka tirsan ciidamada booliska xili uu xabsiga ku jiray.