Tottenham Vs Arsenal : Gunners Oo Isha Ku Haysa Rikoor 10 Sano Ka Hor Ugu Dambeysay

0
189

Baladweyne (Radio Beerlula)-Arsenal ayaa hamineysa guul ay gaaraan si hogaanka  u sii adkeystaan ka dib guul daradii City halka Tottenham isha ku hayaan iyana in booska 4-aad u soo dalacaan

Xogta Kulanka

*Arsenal ayaa bartilmaameysaneysa in  markii ugu horeeysay laba kulan is xiga oo horyaalka ah guul ka gaaraan Tottenham tan iyo xilli ciyaareedkii 2013/2014-kii

*Tottenham ayaa laga badiyay seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ay ku ciyaareen gurigooda, iyagoo badiyay kulanka kale.

*Antonio Conte ayaa badiyay kaliya labo ka mid ah 10-kii kulan ee uu tababare ahaan ka horyimid Arsenal (4 bar-baro iyo 4 guuldaro).

*Arsenal ayaa badisay dhamaan lixdii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay London Derby xilli ciyaareedkan iyaga oo shabaqeeda ilaashaday 3-dii kulan ee ay martida ahaayeen.

*Harry Kane ayaa hal gool u jira in uu bar bareeyo gool dhaliyihii taariikhiga Tottebgam ee Jimmy Greaves kaasi oo kooxdaas u dhaliay 266 gool.

*Harry Kane Waxa uu dhaliyay sagaal gool sideed kulan oo Premier League ah oo uu gurigeeda kula ciyaaray Arsenal.

*Gunners ayaa u tartameysa inay badiso todobo kulan oo isku xigta oo Premier League ah oo London Derby ah markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2007-08 markaasoo ay garaaceen Spurs guri iyo marti.

*Arsenal Waxa ay badin karaan shan kulan oo isku xigta oo ay martida yihiin tartamada oo dhan markii ugu horeysay tan iyo Sebtembar ilaa Oktoobar 2018  xilligaas oo uu hogaamiyay Unai Emery.