Ruushka iyo Pakistan oo gaaray isfaham ku saabsan dhanka shidaalka.

0
142

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay ‘heshiis isfaham ah’ la gaadheen dalka Pakistan, oo ku saabsan sahayda saliida ceedhiin iyo batroolka, iyada oo sidoo kale labada dhinac ay ku heshiiyeen in lacagaha lagu bixiyo “hannaanka lacagaha dalalka saaxiibka ah”.

Wasiirka Tamarta ee Ruushka Nikolay Shulginov oo booqasho ku jooga Pakistan ayaa arrintan ku dhawaaqay, xilli uu shir jaraa’id ku qabtay Islamabad, ka dib kulano uu la yeeshay dhiggiisa Pakistan.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wada qayb galay guddi sannadle ah oo ka dhexeeya labada dawladood kaas oo dusha kala socda heshiisyada ganacsiga iyo dhaqaalaha ee labada dal.

Shidaalka iyo tamarta kale ayaa ah qaybaha ugu badan ee dalka Pakistan uu debedda ka soo dhoofsado, waxaana haatan dalkaas haysta xasilooni darro dhinaca maaliyadda ah. Kaydka lacagaha qalaad ee dalka Pakistan ayaa hoos u dhacay illaa $4.6 billion.