Dhagax mucjiso ah oo dhalinaya dab koronto ah oo laga helay Congo

0
137

Baladweyne (Radio Beerlula)-Muuqaallo laga soo duubay dhagaxyo lagu sheegay in ay dhalinayaan koronto ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, iyadoo ay daawadeen malaayiin qof oo ku kala sugan Afrika iyo meelo kale.

Dhagaxyada sida dabiiciga ah korontada u soo saaraya ayeey dadka arkay ku tilmaameen wax aan la garan Karin sababtooda “oo mucjiso ah”.

Mid ka mid ah dhagaxyada ayaa u muuqda in uu kicinayo dab koronto oo ka dhex holcaya labo dhagax dhexdood, kaasoo la arkayo marka la taabsiiyo iyadoo aan xitaa lagu xoqeyn.

Qof Twitter-ka soo geliyay muuqaal laga soo duubay dhacdadan ayaa ku soo qoray “Dhagaxyo koronto leh ayaa laga helay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Congo”.