Dowlada Uganda oo bilaabeysa in ay shidaal soo saarato

0
220

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Uganda ayaa markii ugu horaysay si rasmi ah bilaabaysa in dalkeedu la soo baxo Shiidaalka laga helay muddo 20-sano ka hor ah.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa Hay’adda Batroolka ee dalkaasi ku amaray in lasoo saaro saliida ceegaagta ceelka Kingfisher, ee hoos yimaada Harada Albert ee galbeedka dalkaasi iyo in la dhiso dhuumo aad u ballaadhan si loogu raro Suuqyada caalamiga ah iyada oo la sii marayo Dekedda Badweynta Hindiya ee dalka Tansaaniya.

Dalka Uganda ayaa hiigsanaya in uu shiidaalkiisa ugu horeeya ee uu adduunka u dhoofin doono soo saaro marka la gaadho Sanadka 2025-ka.