Haweeney la timid farsamo cusub oo lagu qisho imtaxaannada oo ay booliiska caalamiga ah ku raad joogaan

0
303

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa soo saaray digniin ku socota haweenay ka dambaysay fadeexad wayn oo ah qish imtixaan oo ka dhacday dalka Singapore taas oo loo adeegsaday telefoono iyo sameecado ardayda dhagaha loo galiyay.

Poh Yuan Nie oo 57 jir ah ayaa waxaa arrintan la waday saddex nin oo kale, kuwaas oo dhammaantood xabsiga la dhigay.

Poh, oo ah maamulihii hore ee xarun waxbarasho oo maxalli ah, ayaa lagu waday inay u bilaabmato 4 sano oo xarig ah bishii Sebtember , balse waa la waayay meel ay jaan iyo cirib dhigtay oo isma aysan soo dhiibin.

Waxaa loo malaynayaa inay ka baxsatay dalka Singapore.

Booliiska ayaa soo saaray amar lagu soo xirayo Poh, oo sidoo kale loo yaqaan Pony, bishii November ee sanadkii anau soo dhaafnay.

Laamaha ammaanka ee dalka Singapore ayaa imika miciin biday booliiska caalamiga ah ee Interpol si ay gacan uga siiyaan in bal la ogaado halka ay ku sugan tahay haweeneydan.