Kooxda Bayer Munch oo qarka u saaran inay amaah ku qaadato xidiga Joao Cancelo

0
103

Baladweyne ( Radio Beerlula ) – Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa qarka u saaran inay heshiis la gasho difaaca Manchester City ee Joao Cancelo iyadoo labada kooxood ay u socdaan wada-hadallo gabogabo maraya oo lagu dhamaystirayo heshiiska uu xiddiga reer Portugal ku tegayo Allianz Arena.

Manchester City ayaa qaadatay laba go’aan oo lama filaan ah, waxaanay ogolaatay in ay amaah ku dirto Joao Cancelo oo ka mid ah ciyaaartoydeeda ugu wanaagsanaa labadii sannadood ee ugu dambeeyey ee ay sida xidhiidhka ah ugu guuleysteen horyaalka Premier League.

Cancelo oo uu Guardiola saluugay intii ka dambaysay Koobkii Adduunka oo uu kaydka dhigay kulamo badan, ayaa waxay Manchester City ogolaatay inay amaah ugu dirto Bayern Munich illaa dhamaadka xilli ciyaareedka, hase yeeshee waxa heshiiska labada kooxood ku jira qodob u ogolaanaya Munich inay si rasmi ah ugula wareegi karto laacibkan lacag gaadhaysa €70 milyan oo Euro marka uu dhamaado waqtiga amaahdu.

Manchester City ayaa waxa kale oo ay go’aan ku gaadhay in aanay la saxeexanin ciyaartoy u beddela booska difaaca bidix ee uu Joao Cancelo ka dheelayay sannadihii ugu dambeeyey, waxaana booskaas ka ciyaari doona  Nathan Ake oo uu kaydka u fadhiyi doono da’yarka heerka labaad kasoo baxay ee Rico Lewis.

Waxa kale oo ay Man City go’aamisay, in xiddiga da’da yar ee reer Argentina ee Maximo Perrone oo ay bishan January kusoo iibsadeen £8 milyan oo Gini, in uu kooxda koowaad tababarka la qaato.