Bilyaneer Afrikaan Ah Oo Iibsanaya Koox Premier League ah

0
130

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Maalqabeen u dhashay qaaradda Afrika ayaa doonaya inuu iibsado kooxda horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ee Sheffield United oo la sheegay in lagu gadayo kaliya £90 milyan oo Gini, taas oo haddii ay hirgasho ay ku noqon doonto kooxdii labaad ee Premier League ah ee laga leeyahay Afrika.

Sheffield United oo lagu naanayso Blades, ayaa heerka koowaad ee Premier League usoo dallacday xilli ciyaareedkan, waxaase bishii hore lagu soo rogay cuno-qabatayn dhinaca suuqa ah kaddib mrkii lagu helay inay jabisay sharciga dhaqale-wanaagga, isla markaana qasnaddeedu madhataya.

Sida uu qoray wargeyska The Times ee kasoo baxa Ingiriiska, bilyaneer u dhashay qaaradda Afrika ayaa waxa uu dul-dhigay £90 milyan oo Gini oo uu doonayo inuu kula wareego naadigan, waxaana lagu soo warramayaa in taasi ka fududayn doonto in laga qaado 18 bilood oo xayiraad suuqa ah oo sababi doonta inay heerka labaad u dhacaan, sidoo kalena bixin kari waayaan mushaharka ciyaartoydooda.

Kooxdan oo October 2020 ku iibsatay £23.5 milyan oo Gini da’yarkii Liverpool ee Rhian Brewster, ayaa waxa mulkiile ka ah Prince Abdullah oo ka  tirsan qoyska boqortooyada Sucuudig, laakiin hantidiisa  ayaa la xayiry dhowaan taas oo keenaysa inuu iibiyo kooxda.

Lama shaacinin magaca maalqabeenka Ingiriiska ah ee iibsanaya Sheffield United, hase yeeshee waxa kaliya la tilmaamay inuu yahay bilyaneer, waxaanay Sheffield United noqon doontaa kooxdii labaad ee Afrika laga leeyahay maadaama Everton uu iska leeyahay Moshiri oo reer Masar ah.