HORDHAC: Real Madrid v Valencia – Los Blancos Oo Hoggaanka Daba Ordaya, Shaxaha & Xogaha Kulanka

0
128

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Real Madrid ayaa ka warqabta muhiimada guushu u leedahay ciyaartan maadaama Barcelona ay xalay kasoo adkaatay Real Betis isla markaana siddeed dhibcood kusii qabatay hoggaanka.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Real Madrid ayay markale ka maqnaan doonaan daafacyada kala ah Lucas Vazquez, David Alaba iyo Ferland Mendy oo dhaawacyo kala geddisan qaba.

Warka u wanaagsan Carlo Ancelotti ayaa ah in Aurelien Tchouameni iyo Dani Carvajal labaduba ay soo kabteen diyaarna u diyihiin ciyaartan.

Camavinga ayaa markale daafaca bidix kusoo bilaaban doona iyadoo Kroos, Modric iyo Valverde khadka dhexe dheelayaan haddii uu Ancelotti doorto inuu markale Rodrygo weerarka kula soo bilaabo Benzema iyo Vinicius.

Dhinaca Valencia waxa iyagana ka dhaawacan Jaume Domenech, Nico Gonzalez, Thierry Correia iyo Justin Kluivert. Valencia ayaa xaqiijiysay inuu ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka kooxdeeda laylin doono tababare Voro Gonzalez.

Shaxaha Macquulka Ah

Real Madrid (4-3-3): Courtois;, Militao, Rudiger, Nacho; Kroos, Camavinga, Modric; Valverde, Rodrygo Benzema, Vinicius Jr

Valencia (4-3-3): Mamardashvili; Foulquier, Comert, Diakhaby, Gaya; Musah, Guillamon, Moriba; Castillejo, Cavani, Lino

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Javier Alberola