12 dal oo Afrikaan ah oo ku dhowaaqay qorshe lagu soo afjarayo AIDS-ka caruurta.

0
150

Baladweyne (Radio Beerlula)- Laba iyo toban waddan oo Afrikaan ah ayaa Arbacadii caddeeyey qorsheyaal lagu soo afjarayo AIDS-ka carruurta marka la gaaro 2030-ka

Qorshahan ayaa loo maraya  barnaamijyo kala duwan oo lagu baaro HIV, daawaynta iyo ka hortagiisa.

Himilada 2030-ka, oo ay ku dhawaaqday UNAIDS sannadkii hore, ayaa waxaa si wada jir ah u taageeray wakiillo ka kala socday 12-ka waddan ee isugu yimid magaalada Dar es Salaam ee dalka Tanzania.

Cudurada AIDS-ka caruurta ayaa sannadihii la soo dhaafay ku faafay dalalka dunida gaar ahaan Afrika.

Laba iyo toban wadan ee Afrikaan ah ayaa lagu wadaa inay qorshahan ka dhabeeyaan ka hor intan la gaarin 2030.