DEG-DEG: Mesut Ozil Oo Niyad-jab Ku Macasalaameeyey Kubadda Cagta

0
223

Baladweyne ( Radio Beerlula)-Xiddiga Muslimka ah ee Mesut ayaa koox la’aan noqday isaga oo dhaawac ku maqan, waxaana la burburiyey heshiiskii uu kula jiray kooxda kubadda cagta Istanbul Basaksehir, taas oo keentay inuu isaguna qaato go’aan lama filaan ah oo uu kaga baxayo bahda kubadda cagta.

Mesut Ozil oo lagu tilmaamo kubbad-sameeyeyaashii ugu wanaagsanaa qarniga 21ad, ayaa waxa uu xulka qaranka Germany kula guuleystay Koobkii Adduunka 2014, isaga oo sidoo kalena Rel Madrid iyo Arsenal lasoo qaatay waqtiyo wanaagsan ka hor intii aanu u guurin waddanka uu asal ahaanta kasoo jeedo ee Turkey.

Inkasta oo aan si rasmi ah loogu dhawaaqin, haddana wararka laga helayo Turkey ayaa waxay sheegayn in kooxda Istanbul Basaksehir ay burburisay heshiiska Ozil oo xagaagii u saxeexay heshiis sannad ah oo uu ku ladhan yahay sannad labaad oo dookh ah.

34 jirkan ayaa la sheegay in uu isaguna qaatay go’aan ah inuu ka fadhiisto kubadda cagta, waxaanu go’aankiisa ku wargeliyey saaxiibbadiisa ay iskugu dhow yihiin oo uu telefoonka ka wacay maanta oo Jimce ah.

Sannadkii 2020 ayuu Mesut Ozil u wareegay kooxda reer Turkye ee Fenerbahce oo uu usii dhaafay Istanbul Basaksehir, waxaana lagu xasuusan doonaa goolashii tira badnaa ee uu caawiyey iyo kuwii quruxda badnaa uu uu saxeexay.

Real Madrid ayuu kula soo guuleystaya LaLiga iyo Copa del Rey ka ahor intii aanay Arsenal qasnaddeeda u jabinin sannadkii 2013 oo ay kusoo iibsatay £42.5 milyan oo Gini, waxaana 184 kulan oo uu u saftay Gunners uu u dhliyey 54 gool iyo 33 kale oo uu caawiyey, isag oo saddex jeer kula guuleystay FA Cup.

Mikel Arteta oo ay isku dhaceen ayaa sabab u noqday in Ozil uu ka tago Arsenal bishii January ee 2021, isaga oo ka tanaasulay lix bilood oo ka mid ah heshiiskii uu kula jiray Gunners oo uu lacago badan oo mushahar ah ku qaadan lahaa.