RASMI: Arsenal Oo Xaqiijisay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixatay Xiddig Laf Dhabar U Ah Kooxda Mikel Arteta.

0
139

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay heshiis cusub ka saxiixatay xiddiga Gabriel Martinelli.

Xiddiga Gabriel Martinelli ayaa muhiim ka noqday kooxda Mikel Arteta xilli ciyaareedkan waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.

Gunners ayaa xaqiijisay in ay xiddiga Gabriel Martinelli ka saxiixatay heshiis 4 sano iyo badh ah oo uu ku sii joogi doono ilaa xagaaga 2027.

Gabriel Martinelli ayaa xilli ciyaareedkan ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kooxda Arsenal isaga oo ka caawiyay in ay 5 dhibcood ku hayso hogaanka horyaalka.

Xiddiga reer Brazil ee Gabi ayaa ciyaaray 19 kulan oo horyaalka premier League xah xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 7 gool.