Maskaxdii ugu da’da weynayd abid oo la helay

0
95

Baladweyne (Radio Beerlula)-Maskaxdii ugu da’da weynid abid ee noolaha laf dhabarta leh oo bed qabta ayaa laga helay hadhaadiga kaluun da’diisa lagu qiyaasay 319 milyan oo sano.

Hadhaadigan ayaa laga helay meel dhuxusha laga qodo oo ku taal gobolka Lancashire ee dalka Britain ka hor wax qarni ka badan, waxaanu intaas ku kaydsanaa keydka madxafka ee magaalada Manchester.

Cilmi-baaris ay sameeyeen kooxo ka socda jaamacadaha Birmingham iyo Michigan ayaa ogaaday in madaxa kaluunkan ay ku jiraan maskax iyo neerfayaasha ‘cranial’ loo yaqaan.
Sam Giles oo ku takhasusay cilmiga noolayaasha ayaa sheegay in “helitaankan lama filaanka ah” uu kusoo kordhiyay “faham la yaab leh” qaabka ay maskaxdu u samaysanto.
Qalfoofka kalluunka hadda dabar go’ay ayaa markii hore laga soo saaray lakabka dhagaxa saabuunta ee saqafka sare ee halka macdanta laga qodo ee Lancashire, waxaana markii ugu horreysay si cilmiyeysan loo sharraxay 1925-kii.