Libaax badeed Gabar yar ku dilay Australia

0
236

Baladweyne (Radio Beerlula)- Gabar 16 jir ah ayaa geeriyootay kadib markii uu weerar kusoo qaaday Libaax Badeed xilli ay ku dabaalaneysay wabi ku yaala Galbeedka Australia.

Waxaa la rumeysan yahay in gabadha, oo ka timid Perth, ay saarneyd mootada badda ee looyaqaano jet skis iyada iyo saaxiibbadeeda markii uu shilku dhacayay.

Insp Paul Robinson, oo ka tirsan Booliska Galbeedka Australia, ayaa sheegay inay suurta gal tahay in gabadha ay ku dhex boodday biyaha si ay u dabalato kuwaasi oo meel u dhow lagu arkay.

Dadka ayaa lagu booriyay inay qaataan “taxaddar dheeri ah” oo ay u hoggaansamaan xiritaanka xeebta.