Gudniinka fircooniga oo dhibaato ku haya haweenka Soomaaliyeed xili maanta ku beegan tahay maalinta ciribtirka gudniinka.

0
178

Baladweyne (Radio Beerlula)- Golaha guud ee qaramada midoobay ayaa sannadkii 2003-dii meelmariyay in sannad kasta dunida 6-da bisha Feberaayo oo maanta ku beegan dunida laga xuso maalinta caalamiga ee ciribtirka gudniinka fircooniga.

Qiyaastii 120 ilaa 140 milyan oo haween ah ayaa lagu sameeyay gudniinka Fircooniga ah sannadihii la soo dhaafay, waxaana hadda halis ugu jira ugu yaraan 3 milyan oo gabdho ah sannad kasta, marka loo eego xogta ay soo bandhigtay Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).

Gudniinka fircooniga ah (FGM) wuxuu ka kooban yahay dhammaan hababka ku lug leh wax ka beddelka ama dhaawaca xubinta taranka haweenka taasoo sababta dhiig-bax daran, caabuq, dhalmo la’aan iyo sidoo kale dhibaatooyinka kale oo soo food saarka haweenka marka la guursado ama xiliga dhalmada.

Gabdhaha da’doodu tahay 14 iyo kuwa ka yar ayaa ka mid ah kuwa ugu badan ee lagu sameeyo gudniinka fircooniga, waxana ka mid ah dalalka inta badan gudniinka lagu sameeyo.

Gambiya 56 boqolkiiba, Mauritania 54 boqolkiiba iyo Indonesia oo ku dhawaad kala bar gabdhaha da’doodu tahay 11 iyo ka yar lagu sameeyay gudniinka, Soomaaliya 98 boqolkiiba, Guinea 97 boqolkiiba iyo Jabuuti 93 boqolkiiba.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya C/qaadir Cumar Ibraahim.