Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee Baladweyne oo la hakiyay.

0
154

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Hirshabeelle ayaa hakisay duulimaadkii garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee Magaalada Baladweyne muddo todobaad ah oo dib u dib u dayactir ah lagu sameyn doono qeybta Ranweyga ee diyaaradaha ku ordan oo burbur xoogan soo gaaray.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Hirshabelle islamarkana lagu dabaacay bogga Facebook ee wasaaradda ayaa lagu sheegay in si ku meel gaar ah loo hakiyay dhamaan duulimaadyadii maalin-laha ahaa ee ka degayay garoonka diyaaradaha Ugaas Khalif ee Baladweyne , Muddo todoba maalin ah, kana billaabaneyso 06-Feberaayo-kuna ek 13-Feberaayo , iyadoona Mudadaas dib u dayactir lagu sameyn doono garoonka.

Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in hakintan duulimaadyada garoonka diyaaradaha Magaalada Baladweyne ay ka dambeysay kadib wada tashi iyo dhageysiga talo soo jeedinta khuburada Hay’adda duulista rayidka Soomaaliveed (SCAA) kuna aaddanaa badqabka dhamaan duulimaadyada garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Hirshabeelle ayaa ka codsatay qeybaha kala duwan ee bulshada inay dulqaad muujiyaan, kana qeyb qaataan dayac tirka iyo dib dhiska garoonkooda.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Sacdiyo Maxamed Maxamuud.