DEG-DEG: Man City Oo Ka Hadashay Dembiyada Loo Haysto

0
118

Baladweyne ( Radio Beerlula )Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ka hadashay dembiyada culus ee lagu soo ogaaday baadhitaanno afar sannadood socday oo muujinaya inay in ka badan 100 jeer jabisay sharciga dhaqaalaha, isla markaana lagu soo rogayo ganaaxyo culus oo ay ka mid yihiin in laga qaado saddex horyaal oo Premier League, in laga caydhiyo horyaalka Premier League iyo in waliba dhibco laga jaro oo heerka labaad loo diro.

War-saxaafadeed kooban oo taxadar ku dheehan yahay ayay Manchester City soo saartay, waxaanay ku sheegtay in ay wax lala yaabo tahay eedaymaha sheegaya inay kooxdoodu jabisay sharciga Premier League.

War-saxaafadeedka City ayaa lagu yidhi: “Manchester City FC waxay la yaabban tahay eedaymaha soo baxaya ee ah inay jabisay sharciyada Premier League, gaar ahaan faahfaahinta iyo tirooyinka badan ee ay soo bandhigtay EPL. Kooxdu waxay soo dhoweynaysaa dib u eegista guddida madaxa-bannaan.”

Manchester City ayaa waxay sidoo kale sheegtay in ay samayn doonto wax kasta oo is-difaac ah oo ay la iman doonto caddaymahooda, isla markaana kalsooni buuxda ku qabto in arrintani dhamaan doonto.