Tirada dhimashada dhulgariirka Turkiga oo 5,000 kor u dhaaftay

0
121

Baladweyne (Radio Beerlula)-Kooxaha samatabixinta ayaa ku shaqeynaya qabow daran iyo roob mahiigaan ah xilli ay iskudayayaan inay soo badbaadiyaan dad loo malaynayo inay ku hoos jiraan burburka ka dhashay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay koonfur bari waddanka Turkiga.

In ka badan 5,000 oo qof ayaa ku dhintay dhulgariirka halka in 15,000 oo qof oo kalana ay ku dhaawacmeen Turkiga iyo xadka Suuriya, kaddib markii dhulgariirku uu ku dhuftay arooryadii hore ee Isniinta.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ka digtay in tirada dadka ku dhintay musiibadaasi ay aad u sii kordhi karto maadaama kooxaha gurmadka degdega ay suuragal tahay inay soo helaan dad kale.

Kooxaha samatabixinta ayaa dardargelinaya baadigoobka ay ugu jiraan inay soo helaan dad ka badbaaday dhibaatada halkaas ka dhacday