Uganda oo shaqada ka joojineysa mid ka mid ah xafiisyada QM.

0
189

Baladweyne (Radio Beerlula)-Dowladda Uganda ayaa sheegtay in aysan dib u cusboonaysiin doonin shaqada xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo sabab uga dhigtay horumarka awooddeeda oo ku filan inay kula socon karto xaquuqda aadanaha.

“Wasaaraddu waxa ay doonaysaa in ay gudbiso go’aanka dawladda ee ah in aan dib loo cusboonaysiin muddada xafiiska OHCHR ee dalka Uganda wixii ka dambeeya muddada xileedkan” ayaa lagu yiri warqaddan oo wasaaraddu u xaqiijisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Afhayeenka xafiiska OHCHR ee dalka Uganda Bernard Amwine ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in uusan wax faallo ah ka bixineyn arrinkan.

Xukuumadda Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa sannadihii lasoo dhaafay waxa ay dhaleeceyn kala kulmayeen mucaaradka, dadka u ololeeya xuquuqul insaanka iyo dalalka reer galbeedka, kuwaas oo ku eedeeyay in jirdil, xarig sharci-darro ah iyo dilal sharci-darro ah oo lala beegsanayo dadka kasoo horjeeda iyo kuwa dhaleeceeya.

Saraakiisha dowladda ayaa beeniyay ku dhawaad dhammaan eedeymahan, waxayna sheegeen in dhammaan ciidamada ammaanka ee ku lug lahaa ku xad-gudubka xuquuqda la ciqaabay.