Jamie Carragher Oo Doortay AFARTA Kooxood Ee Ugu Sarreyn Doona Premier League & Kooxda Werwerka Gaarka Ah Ku Abuurtay

0
195

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa saadaaliyay afarta kooxood ee kaalmaha ugu sarreeya Premier League ku dhammaysan doona xilli ciyaareedkan.

Tartanka boosaskaas loogu jiro ayaa ah mid sii kululaanaya iyadoo haatan Arsenal, Man City, Man United iyo Newcastle United ay doorarkaas buuxinayaan halka Tottenham ay kusoo dhawdahay.

Kaliya hal dhibic ayaa u sarreysa kooxda booska afraad ee Newcastle iyo kooxda macalin Antonio Conte oo shanaad fadhida.

Sida lagu sheegay wargeyska The Metro, Carragher ayaa diiday inuu bedelo afarta kooxood ee haatanba ugu sarreeya isagoo sheegay inuu saadaalinayo in afartaasi sidaas u xejisan doonaan kaalmahaas.

Dhinaca kale Carragher ayaa qirtay inuu ka werwersan yahay horumarinta uu tababare Erik Ten Hag ku samaynayo kooxda uu xifaaltanku kala dhaxeeyo ee Man United.

“Waxay u muuqataa mid sidii ka duwan marka la eego joogitaanka Ten Hag. Markasta waxaan dareemi jiray inuu dareen xuni ku hareeraysan yahay tababarayaashii hore, Jose Mourinho waxaan dareemi jiray inay dhibaatooyin u dhaxeeyaan isaga iyo boodhka kooxda” ayuu yidhi Jamie.

“Louis Van Gaal uma malaynayo in taageerayaashu ay nidaamkiisa ciyaareed jeclaayeen, Ole (Gunnar Solskjaer) qofna ma filayn inuu marnaba horyaal la qaadi karo United”.

“Sidoo kale waxa jira dareen xamaasadeed oo hadda ka muuqda Man United oo aanan hore mudo u arag, waxay u muuqataa in midkaasi soo laabanayo”

“Waxaan filayaa inay jiraan wax ka dhacaya Manchester United oo aanan ka arag tababarayaashaas kale, sidaas darteed waa wax laga werwero”.