Baladweyne (Radio Beerlula)- Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay munaasabad lagu tageerayay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Hirshabelle Maxamed Xuseen Ceynte islamarkana lagu soo dhaweeynayay guddoonka cusub ee xiriirka kubadda cagta Hirshabeelle oo maalintii shalay uu magacaabay wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Hirshabeelle.
Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan bahda ciyaaraha magaalada Baladweyne, dhalinyaro , iyo kooxaha ka dhisan afarta Xaafadood oo ay ka kooban tahay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiran.