Tirada dhimashada dhul-gariirkii Turkiga oo sii kordheysa.

0
228

Baladweyne (Radio Beerlula)-Waxaa sii koradhaysa tirada dhimashada ee dhul-garirkii ku dhuftay dalka Turkiga iyo qeybo ka mid waqooyi Suuriya.

Tirada dhimashada ayaa iminka mareysa 22,000 oo qof.

Hay’adda maaraynta masiibooyinka ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in illaa 110,000 oo shaqaale ahi inay ka qayb qaadanayaan dedaallada samatabixinta, sidoo kale waxaa loo raray goobaha uu dhulgariirku ka dhacay, illaa 5,500 oo gaadiid ah, sida gawaadhida xamuulka ah, wiishashka, cagaf-cagafyada, iyo qalabka wax lagu qodo.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqday meel u dhow goobtii xuddunta u ahayd dhulgariirkii deegaankaas ku dhuftay maalintii Isniinta, iyo weliba xuduudda Turkiga iyo Syria.