Arsenal Mise Man City? Ian Wright Oo Saadaaliyay Kooxda Jeebka Ku Shuban Doonta 3-da Dhibcood Ee Kulanka.

0
114

Baladweyne(Radio Beerlula)-Ian Wright ayaa sheegay in Arsenal ay diyaar u noqon doonto Manchester City kulankooda muhiimka ah ee Premier League ee Arbacada hadii uu Erling Haaland ciyaaro iyo hadii kaleba.

Rajadii Gunners ee hanashada horyaalka ayaa hoos u dhacday todobaadkan kadib markii ay bar-baro muran badan dhaliyay la galeen kooxda Brentford halka ay City garaacday kooxda Aston Villa.

Farqiga u dhexeeya labada kooxood ayaa haatan ah 3 inkasta oo ay City ciyaartay kulan ka badan Arsenal waxana ay kulmi doonaan Maalinta Arbadaca markii ugu horyasay kulamada premier League.

Sabba la xidhiidha farqiga goolasha oo ay ku badan tahay Man City, kooxda Pep Guardiola ayaa hogaanka kala wareegi doonta Arsenal hadii ay ku badiyaan Emirates.

Si kasta ha ahaatee Man City ayaa la kulantay war xun kadib markii ay dhaawac ku wayday xiddiga Haaland kaas oo la badalay qaybtii dambe ee kulankii Aston Villa.

Xiddigii hore ee Arsenal Wright ayaa sheegay in ay kooxdiisii hore natiijo fiican ka heli doonto kulanka.

“Waxa aan aragnay waxa uu Haaland samayn karo waana wax dhib ku noqon kara Arsenal mar walba waxa uu ku noqon doonaa kulan Adag Arsenal”ayuu u sheegay BBC.

“Waxa aan aragnay waxa ay samayn karto Man City marka uu Haaland ka maqanyahay, waa kulan Arsenal u baahantahay in ay badiso maadama ay joogto garoonkeeda”.

“Waxa aan u malaynayaa in ay Arsenal diyaar u noqon doonto Man City waxana ay heli doonaan 3-da dhibcood ee kulanka”.