Fursadda Manchester United Ee Ku Guuleysiga Horyaalka Premier League Oo La Qiimeeyey

0
267

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Halyeyga England ee Michael Owen ayaa qiimayn ku sameeyey fursadda ay Manchester United u haysato inay ku guuleysato horyaalka Premier League kaddib guushii waqtiga dambe ahayd ee ay Axaddii ka gaadheen Leeds United, taas oo ay hadda shan dhibcood oo kaliya ugu jiraan Arsenal oo hoggaanka haysa inkasta oo ay laba dhibcood oo dheeraad ah dheeleen.

Marcus Rashford iyo Alejandro Garnacho ayaa tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey ciyaarta dhaliyey laba gool oo Man United ugu filnaaday inay saddexda dhibcood ka qaadato Leeds, waxaanay kusoo yareeyeen farqiga dhibcaha ay ka horreeyaan Arsenal iyo City oo hadda ah shan dhibcood iyo laba dhibcood.

Michael Owen oo usoo ciyaaray Manchester United waqti dambe oo waayihiisa ciyaareed ah, kuna jira liiska xiddigaha tirada yar ee u wada dheelay Liverpool iyo Manchester United ayaa waxa uu qiimayn ku smeeyey fursadda Red Devils ee ku guuleysiga Premier League, kaddib markii ay soo yaraadeen tirada dhibcaha laga horreeyo.

Owen oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi: “Haddii Man City iyo Arsenal ay u ciyaaraan sidii ay ahaayeen bilihii tegay, markii aan lahaa iyaga ayuu horyaalku u dhexeeyaa, fursaddoodu way yaraan lahayd. Laakiin hadda labadooduba way turunturoonayaan.

“Arsenal hal dhibic ayay ka hysataa lix dhibcood. Man City, iima muuqato inay socodkoodii cajiibka ahaa ee sannadihii u dambeeyey ay samayn karayaan. Iyaga ayaa haddana laba jeer wada ciyaaraya, sidaa daraadeedna dhibco ayay luminayaan. Markaa waa in aad Manchester United kusoo darto (Liiska kooxaha ku guuleysan karaya)”