Ian Wright Oo Saadaal Xaasaasi Ah Ka Sameeyey Kulanka Arsenal vs Manchester City Ee Arbacada

0
171

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Arsenal oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey lumisay shan dhibcood ayaa Arbacada waxay garoonkeeda Emirates Stadium ku qaabbili doontaa Manchester City oo saddex dhibcood oo kaliya ka dambaysa, waxaana haddii laga badiyo lagala wareegi doonaa hoggaanka horyaalka Premier League ee ay soo hayeen muddada dheer.

Arsenal ayaa waxa toddobaadkii hore ka badisay Everton ka hor intii aanay Brentford barbarro 1-1 ah ku qabanin Sabtidii, taas oo ka dhigan in labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey aanay wax guul ah arag, isla markaana hal dhibic oo kaliya xoogsadeen.

Manchester City ayaa iyaduna Axaddii ku durdurisay Aston Villa oo ay ku karbaashtay 3-1, waxaanay soo yaraysay farqiga hoggaanka ee Arsenal oo saddex dhibcood kusoo koobmay, hase yeeshee kooxda tababare Pep Guardiola ayaa waxa ciyaartaas kaga dhaawacmay Erling Haaland oo u dhaliyey 25 gool oo Premier League ah xilli-ciyaareedkan.

Halyeygii Arsenal ee Ian Wright ayaa saadaal xaasaasi ah ka bixiyey kulanka Arsenal iyo Manchester City ee Arbacada, waxaana uu muujiyey kalsooni ah in kooxdiisu ay dhibco ka heli doonto ciyaartan, waxaana uu yidhi: “Waxaynu rgnay in Haaland laga saaray kooxda oo ay dhibato ku abuuri karayso, laakiin mar walba waxay noqon doontaa ciyaar ku adag Arsenal.

“Hore ayaynu usoo aragnay waxa ay City samayn karto Haaland la’aantii. Waa ciyaar ay Arsenal u baahan tahay inay guuleysato, waxay u baahan yihiin inay badiyaan kulamada garoonkooda, waxaanay ogyihiin in haddii ay Man City ka badiso, inay hoggaanka la wareegi doonaan. Waxay ila tahay in Arsenal diyaar u tahay oo ay natiijo fiican keeni doonto.’