Kulan looga hadlayay sidii agab waxbarasho oo dhameeystiran loo gaarsin lahaa Ardayda Puntland oo lagu qabtay Garoowe.

0
152

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kulankan oo ay soo agaasintay Wasaarada Waxbarashada Puntland isla markaana Lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa diirada lagu saaray sidii agab waxbarasho oo dhameeystiran loo gaarsin lahaa Ardayda qaba baahiyaha gaarka ee ku nool deeganada maamulkaasi.

Kulan waxa kasoo qayb galay Agaasimaha guud ee waxbarashada putland, masuuliyiin ka socday Hayadaha ka shaqeeya arimaha waxbarashada , xafiisyada u adeega dadka baahiyaha gaarka qaba iyo bahda waxbarashada magaalada Garoowe.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Bilaal Daahir Waaneey.