Qoysas danyar ah oo ku nool deeganka fareeryale ee gobolka Sool oo la gaarsiiyay gurmad kala duwan

0
192

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Wasaarada horumarinta haweenka iyo arimaha qoyska Puntland ayaa gurmad gargaar ah oo kala duwan gaarsiisay qoysas danyar ah oo ku nool deeganka fareeryale ee hoos tago gobolka Sool.

Deeqdan ayaa iskugu jirtay raashin, katiifado, buskud iyo timir iyadoo inta badan dadka ka faa’ideystay deeqdan ay iskugu jiran kuwa ka soo hayaamay magaalada Laascaanood iyo kuwa ay sameysay abaarta ka jirta dalka.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Xaawo Aadan Xuseen.