Yurub oo qorshe cad ka yeelanaysa gawaadhida shidaalka ku shaqeeya

0
139

Baladweyne (Radio Beerlula)- Baarlamaanka yurub ayaa asnxiyey sharci cusub oo joojinaya in gawaadhida naaftada iyo batroolka aan laga iibin Karin dalalka midawgaas wixii ka bilaabma 2035.

Iyada sida oo kalena qorshuhu yahay kolka la gaadho 2030 ay lagama maarmaan tahay, in kala badh gawaadhida la isticmaalayaa ay ahaadaan kuwo ku shaqeeya habka casriga ee korontada taas oo cimillada u wanaagsan.

Dadka ka soo horjeeeda sharcigan ayaa ku doodaya in arrintani qasbi doonto in ay boqollaal kun oo qof ay shaqo waayi karaan.

Halka kuwa taageersan ee dabada ka riixayaa ay ku adkaysanayaan in lagama maarmaan ay tahay, isla mar ahaantaan arintani ay yareyn karto kaarbonka sidoo kalana baabuurta koronta iyo wax soo saarkooda kula tartami doonaan shiinaha.