kulamadii xalay la ciyaaray iyo natiijooyinkooda

0
222

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Kulan xiiso lahaa ayaa ka dhacay garoonka Parc des Prince kulan ka tirsanaa champions League kaas oo dhexmaray kooxaga PSG iyo Bayern Munich.

Kooxda Bayern ayaa u awood sheegatay kooxda PSG kulan ay maamulaysay ciyaarta kana fiicnayd kooxda reer France ee garoonkeeda joogta.

Bayern ayaa wax walba ka samaysay ciyaarta iyaga oo si is daba joog ah u samaynaysay fursadaha ay ku doonayeen in ay ku dhaliyaan goolal.

PSG ayaa dhinaceeda si weyn ugu dhibaatootay ciyaarta waxana ay dhaafi waayeen daafaca Bayern iyada oo xiddigaha Bayern joojiyeen Messi iyo Neymar.

Waxa ay qaybta hore ee ciyaartu ku dhamaatay iyada oo ayna labada kooxood wax goolal ah kala dhalin laakiin kooxda Bayern Munich ahayd kooxda fiican dhinac kasta isla markaas kubadu u gali wayday goolka.

Qaybta dambe ee ciyaarta ayay Bayern ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan gool xilli ay PSG sii waday dhibaatada ciyaarta.

Kadib dadaalo dheeraad ah oo is daba joog ah Bayern Munich ayaa daqiiqadii 53-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Kingsley Coman kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Bayern Munich ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen raadinta goolal kale xilli ay PSG ku dhibaatoonayso in ay madaxa kor u qaado.

Kooxda Bayern Munich ayaa sida daadka isaga khasaarinaysay fursadaha xili ay PSG u muuqatay kuwo wax iska badalay kadib markii uu Mbappe soo galay.

Kadib markii uu PSG soo galay PSG ayaa halisay galinaysay daafaca Bayern Munich kuwaas oo si weyn u nastay intii uu ka maqnaa Mbappe ciyaarta.

Soo galista Mbappe ee ciyaarta ayaa durba u midho dhalisay PSG waxana uu daqiiqadii 73-aad dhaliyay gool laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray.

Xiddiga Mbappe ayaa mar kale soo laabtay waxana uu daqiiqadii 83-aad dhaliyay gool laakiin waxa mar kale ka diiday VAR sabab la xidhiidha VAR uu ku jiray xiddigii soo dhigay.

Kooxda Bayern Munich ayuu xaalku ku xumaaday daqiiqadii 90+1-aad kadib markii kaadhka cas loo taagay xiddiga Benjamin Pavard kaas oo loo taagay kaadhka cas kadib markii uu qaatay laba kaadh oo digniin ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Bayern Munich garaacday PSG oo garoonkeeda joogta isla markaas kala baxday garoonka faa’iido ka hor kulanka lugta 1-aad ee ay ku ciyaari doonaan garoonkooda

Dhinaca kale kooxda Ac Milan ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay kooxda Tottenham kulan ka dhacay garoonka San Siro kana tirsanaa wareega 16-ka champions League.