Arsenal Vs Man City

0
156

Baladweyne ( Radio Beerlula )-Waa kulanka u adag horyaalka , City haddii ay badiyaan horyaalka ayay qabanayaan inkastoo Arsenal uu u jiro kulan u baaqday ,.

Xogta Kulanka

*Arsenal ayaa laga badiyay 10 kulan oo isku xigta oo Premier League ah oo ay wajahday Manchester City, waana guuldaradii ugu dheereyd ee hal koox ay kala kulmaan taariikhda horyaalka.

Manchester City ayaa badisay lixdii kulan ee ugu danbeysay ee ay martida u ahaayeen Arsenal tartamada oo dhan, in ka badan 61kii kulan ee ay booqdeen Emirates iyo Highbury marka la isku daro.

Ma jirto koox 7 kulan isku xigta Arsenal ku garaacday Emirates

Arsenal ayaa ku guuldareysatay inay badiso kulan xiriir ah oo Premier League ah markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan.

Si kastaba ha ahaatee, Gunners ayaan wax guuldaro ah la kulmin 13-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay ku ciyaartay garoonkeeda, iyagoo badiyay 11 ka mid ah kulamadaas.

Markii ugu dambeysay ee Gunners ay garaacdo koox heysata horyaalka  waxay aheyd markii ay 1-0 kaga badiyeen Leicester bishii April 2017.

Manchester City waa kooxda kaliya ee uu macalinka Arsenal Mikel Arteta ku guul darreystay inuu ka badiyo isagoo tababare ah Premier League – waxa uu guuldarreystay dhammaan shantii kulan ee uu la ciyaaray City tartankaan.

Kooxda Pep Guardiola ayaa halis ugu jirta in laga badiyo seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah markii ugu horeysay tan iyo July 2020.