Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP203 oo lagu qabtay Kismaayo

0
107

Baladweyne (Radio Beerlula)-Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee jubaland ayaa lagu qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay #HOP203 oo uu baneeyay Raisul wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, waxana ku guuleystay Xasan Hurre ugaas kadib markii uu tanaasulay Cabdulahi Maxamed Cabdi.

Doorashadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka, wasiiro ka tirsan Jubbaland, odayaal dhaqameed xildhibaano ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland, haween iyo marti sharaf kale.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Aadan Cabdi Axmed.