Tababar ku saabsan sidii loo hormarin lahaa dhaqashada Xoolaha oo lagu qabtay Garoowe.

0
123

Baladweyne (Radio Beerlula)-Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Puntland Mudane Maxamed Cabdullahi Axmed Libaaxe ayaa magaalada Garoowe ka daah furay tababar ku saabsan sidii loo hormarin lahaa dhaqashada Xoolaha iyo wax soo saarka Calafka Xoolaha oo ay ka faa’idaysanayaan Xoolo-dhaqato beeraleeyda deeganno ka tirsan gobolada Bari iyo Nugaal kaasoo socon doona muddo 20 maalmood ah.

Munaasabadda daahfurka tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiir Kuxigeenka wasaaradda xanaanada xoolaha Maxamed Cabdirisaaq Dayib Guure, Agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. Axmed Cabdalla iyo Agaasimaha Waaxda Fidinta Adeegyada Xoolaha Dr Saadaq Cabdullaahi Axmed.

Warbixintan waxaa soo jeedinaya Maxamed Cabdi Saneey.